Alexei Navalny, oo ah hoggaamiyaha mucaaradka dalka Ruushka, ayaa la sheegay inuu soo kabanayo iyadoo uu kasoo muuqday baraha bulshada.

Mr. Navalny, ayaa galay xaalad halis ah, waxaana bartiisa Instagram lagu baahiyay sawir uu kasoo daadegayo meel jaranjarro ah.

“Aan kuu sheego sida ay soo kabashadaydu u socoto, horey ayayba u cadeyd inkastoo ay tahay waddo dheer  ”ayaa lagu qoray bartiisa Instagram-ka.

Waxay ahayd uun shan cisho kahor, markii dhakhaatiirtu ay sheegeen in xaaladda hoggaamiyaha mucaaradka Ruushku ay soo wanaagsanaanayso isla markaan auu ka baxay koomadii uu kujiray.

Ninkani, ayaa si wayn u dhaliila, siyaasadaha madaxwaynaha Ruushka Putin, waxaanu bishii lasoo dhaafay ku xanuusaday Siberia, iyadoo loo qaaday magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga