Illaa 40 dagaalame oo ka tirsan kooxda Daalibaan ee Afkaanistaan ka dagaalanta ayaa lagu dilay duqayn ay dawladda Afkaanistaan ka fulisay waqooyi bari dalkaas, sida ay ku warantay wasaaradda difaaca ee Afkaanistaan.
Xukuumadda Kabul may kala saarin khasaaraha soo gaadhay dadka shacabka ah iyo kan kooxda Daalibaan.
Badhasaabka deegaanka ayaa sheegay in dad gaadhaya 10 qof oo rayid ahi ay ku nafwaayeen duqaynta, halka 11 kalana ay ku dhaawacmeen.
Kooxda Daalibaan ayaa iyaduna war ay soo saartay waxay ku sheegtay in 40 shacab ah ay dileen ciidamada ammaanka ee Afkaanistaan. Waxay beeniyeen in iyaga uu soo gaadhay wax khasaare ahi.
Duqaynta ayaa lala bar tilmaameedsaday xero ciidan oo Daalibaan leedahay, balse duqayn kale oo xigtay ayaa wax yeelasay shacab badan ee deegaanka ah.