Iran waxay weeraro handadaad ah ku qaaday mid ka mid ah maraakiibta dagaalka Maraykanka oo marayay gacanka ay jaarka la tahay ee Hormuz.

Markabka maraykanka oo ahaa nooca xambaara diyaaraddaha dagaalka ayaa digniin u diray laba ka mid ah saldhigyada Maraykanka ee gobolka Bariga Dhexe, kadib cabsi soo wajahday.

Ciidamada badda ee Maraykanka ayaa tallaabada Iran ku tilmaamay ‘mid masuuliyad darro ah’ iyagoo ku macneeyay in ay ahayd ‘cabsi-gelin iyo handadaad.’

Dhacadadan ayaa imanaysa xili ay kacsantahay xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Iran, iyagoo biyaha Khaliijka marar badan isku qabtay.

Iran ayaa dhankeeda eedaymo u jeedisay Maraykanka. War kasoo baxay ciidamada ilaalada kacaanka ee Iran ayaa lagu xusay in ciidamada Iran ay samaynayeen tababar, balse waxa ay arkeen ay tahay daandaansi cad. Muuqaalo laga baahiyay talafishanka dawladda Iran ayaa lagu arkayay maraakiib ay Iran leedahay oo tuuraya gantaalo qaarkood loo ganay dhanka uu ku sugnaa markabka dagaalka Maraykanka ee gacanka marayay.

Iran iyo Maraykanku waxay ku jiraan mid ka mid ah xiliyadii uu abid xidhiidhkoodu ugu xumaa, iyagoo siyaasadaha gobolka iyo caalamkaba isku khilaafsan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga