Wadamada Iran iyo Maraykanka ayaa la filayaa dhawaan in ay dib usoo celiyaan wada hadalkii Vienna ee arimaha nukliyeerka, sid dhinacyadu ay usii wadaan isku soo dhawaansho laga gaadho muranka u dhexeeyay.

Iran ayaa jabisay heshiiskii 2015 ee nukliyeerka, kadib sanadkii 2018 oo madaxewynihii hore ee Maraykanka Donald Trump uu heshiiskaas ka baxay, isla markaana Iran dib ugusoo rogay cuno qabatayntii saarnayd.

Joe Biden ayaa raba in uu Iran ka qaado cuno qabataynta, balse wuxuu dalbaday in iran ay kusoo laabato heshiiska. Halka Iran ay rabto in Maraykanku uu qaado tallaabada koobaad si ay iyana ugusoo laabato qodobada heshiiska.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga