Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ayaa diiday xanibaadaha socdaalka ee dalkiisa ay saareen wadamada Yurub iyo Maraykanku, isagoo ku tilmaamay in ay tahay isir-takoor, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cyril Ramaphosa wuxuu cambaareeyay go’aanka dawladaha joojiyay duulimaadyada dalkiisa iyo wadamada la jaarka ah. Wuxuu intaa ku daray in aanay muhiim ahayn ama aanay lagama maarmaan ahayn in dalkiisa la iska joojiyo dadka ka imanaya.

Koonfur Afrika waxa lagu arkay nooca cusub ee fayraska Covid-19 ee loo bixiyay Omicron, kaas oo ka halis badan dhammaan noocyadii hore loo arkay, waxayna wadamada ku khasabtay in ay iska joojiyaan duulimaadyada ka imanaya Koonfur Afrika.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga