Ugu yaraan 192 doonyo iyo maraakiib isugu jira oo laga leeyahay Iran ayaa sanadkii lasoo dhaafay si sharci darro ah u gurtay khayraadka badaha wadamada Soomaaliya iyo Yemen, iyagoo kaluun badan ka xaaqay biyaha wadamadan oo maalaayiin ka mid ah shacabkoodu ay wajahayaan cunto yaraan.

Ururka Golabal Fishing Watch ee shirkadda Google ay iska leedahay iyo Trygg Mat Tracking ayaa warbixin ay si wada jira usoo saareen ku sheegay arintan. Warbixinta ayaa lagu sheegay in kalluumaysigani uu noqonayo mid ka mid ah kalluumaysiyada sharci darrada ah ee ugu baaxadda wayn dunida.

Lagasoo bilaabo bishii January ee sanadkii 2019 iyo bishii April ee sanadkan ayuu ururku sheegay in maraakiibta Iran ay wadeen kalluumaysiga sharci daradda ah ee biyaha labadan waddan.

Sidoo kale warbixinta waxa lagu xusay in maraakiib laga leeyahay Pakistan, India, iyo Sri Lanka ay ku jiraan kuwa kalluumaysiga ka sameeya biyaha Soomaaliya iyo Yemen, balse ay ka badanyihiin kuwa Iran.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga