Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa loo doortay in uu noqdo ku xigeenka madaxweynaha Qaramada Midoobay marka la gaadho kulanka guud ee Isu-imaatinka Qaramada Midoobay, taas oo ay sanadkiiba hal mar ku kulmaan hogaamiyayasha dunidu.

Waa 30-sanno markii ugu horeysay ee Soomaaliya loo doorto xilkaas iyadoo ay ugu danbaysay sanadkii 1987-kii, markaas oo danjirihii Soomaaliya Cabdullaahi Saciid Cusmaan loo doortay jagadaas.

Waxa soo dhaweeyay madaxda Soomaaliya iyagoo u hambalyeeyay danjire Abuukar Cusmaan Baale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga