Iran waxay sheegtay in jiritaanka heshiiskii Nuclear-ka ee ay la galeen quwadaha caalamku uu ku xidhnaan doono fulinta qodobadii ku jiray heshiiska, waxay si gaar ah farta ugu fiiqday wadamada reer Yurub oo ay xustay in burburka ama jiritaanka heshiisku uu gacantooda ku jiro.

Bisha October ayay tahay in Iran laga qaado cunaqabataynta dhanka hubka, waa hadii heshiiska sidiisii hore loo raaco. Maraykanka ayaa kasoo hor jeeda in Iran laga qaado cunaqabataynta hubka, balse wadamada kale ee heshiiska ku jiray oo kala ahaa Ingriiska, Faransiiska, Jarmalka, Ruushka iyo Shiinaha iyagu kuma raacsana Maraykanka inkasta oo aan la saadaalin karin waxa dhici doona.

Iran waxay rabtaa in marka la gaadho bisha October si buuxda looga qaado cunaqabataynta hubka, taas badalkeedana ay sii ilaaliso heshiiska.

“Wakhtiga loo mudeeyay in Iran lagag qaado cunaqabatynta hubka, wuxuu laf dhabar u ahaa heshiiskii sida adag lagu gaadhay” ayuu yidhi wasiirka arimaha dibadda ee xukuumadda Tehran, Maxamed Javad Zarif.

Zarif wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “isku day kasta oo lagu damco in wax lagaga bedelo wakhtiga muddaysan wuxuu gabi ahaanba burburin doonaa heshiiska.”

Hadalada wasiirka arimaha dibadda ee Iran ayaa yimi kadib markii dhigiisa Maraykanka Mike Pompeo uu Qaramada Midoobay ugu baaqay in sii dheerayso mudada cunaqabataynta hubka ee saaran Iran.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga