Boqortooyada midowday ee Igiriiska ayaa xusaysa 75  guuradii kasoo wareegtay guushii Yurub maanta oo Jimce ah, si loogu xasuusto kuwii u dagaallamay iyo kuwii ku dhintay dagaalkii labaad ee adduunyada.

inkasta oo ay jiraan xayiraado loo soo rogay xanuunka Coronavirus dartii, ayaa haddana siyaasiyiinta dalkaasi iyo xubno sarsare oo katirsan aqalka reer boqorka Ingriisku muujinayaan qiimaha ay dhexdooda ku lahaayeen kuwii usoo dagaallamay xorriyadda dalkooda.

Xuskan Jimcaha ayaa ah kadib markii uu si rasmi ah isku dhiibay Naasigii Jarmalku bishii May 8 1945-kii kadib dagaalkii labaad ee adduunyada.

Raysal-wasaaraha dalka Ingriiska Boris Johnson waxa uu booqday Kiniisadda Westminster Abbey ee bartamaha London, maalintii Khamiistii, si uu ixtraam ugu muujiyo qoysaska kuwii u dhintay dalka xilli uu siday shamac ifaya kaas oo dhigay taallada daljirka dahsoon.

Mr. Jonhsan waxa uu sheegay inkasta oo ay jiraan caqabado xannibaya in la sameeyo xusas waawayn kuwii u dhintay xornimada, haddana aan marnaba laga baaqan doonin muunayaynta dedaalkoodii ku aaddanaa jabinta waxa uu ku tilmaamay ‘’cadow axmaq ah’’.

Raysal-wasaaraha Ingriisku wuxuu sheegay in magaalooyinkii ay cabsi geliyeen duqaymaha cadowgu, ay imika ku jiraan dagaal kale kaas oo u baahan waddaniyaddii iyo qiiradii lagu waajahay dagaalkii labaad ee adduunyada.

Amir Charles iyo xaaskiisa Camilla oo ku karantimaysan meel kutaal Scotland, ayaa iyana muujinaya ixtiraamka ay u hayaan geesiyaasha u dhintay dalkooda, halka boqoradda dalkuna shacabka la hadli doonto 9 habeenimo isla xilligii uu aabaheed boqor George la hadlay shacabka 75 sanno kahor.

Khudbadda boqoradda oo telefishanka laga baahin doono, ayaa noqon doonto tii labaad muddo todobaadyo uun ah gudahood, iyagoo ciidamada cirka boqortooyaduna ay dul duuli doonaan magaalooyinka Cardiff, Belfast iyo Edinburgh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga