Ugu yaraan saddex qof oo dad shacab ahi ay ku jireen ayaa ku dhintay madaafiic lagu weeraray magaalada Tripoli eee caasimadda dalka Libya.

Dawladda ay qaramada aqoonsantahay ee Libya ayaa sheegtay in weeraradan ay ka danbeeyeen xoogaga daacadda u ah jeneraal Khalifa Xaftar. Gantaalada ayaa sidoo kale lagu weeraray deegaano u dhaw magaalada caasimadda ah.

Ciidamada dawladda ay qaramada aqoonsantahay oo taageero ka helaya Turkiga, Talyaaniga, Qatar iyo wadamo kale iyo kuwa Xaftar oo ay badhitaarayaan Ruushka, Faransiiska, Masara iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku hardamaya talada waddanka Libya, iyadoo loolankoodu uu waji cusub yeelanayo kadib weeraradan soo cusboonaaday.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga