Ingiriisku wuxuu Soomaaliya ku taageeray go’aankeeda diidamada ahaa ee ay ka qaadatay in la ballaadhiyo hawl galka nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaano AMISOM, kaas oo la rabay in Qaramada Midoobay ay qayb ka noqoto, balse xukuumadda Muqdisho ay is hor taagtay.

Dawladda Ingiriisku waxay diiday in is-bedel lagu sameeyo sida uu hawl galku ku shaqeeyo imika.

Danjiraha Ingiriiska u fadhida Qaramada Midoobay ayaa arintan shaaca ka qaaday mar ay ka hadlaysay kulan ay lahaayeen Golaha Ammaanku.

Dawlada Ingiriisku waxay qabtaa in qorshaha dhinacyada badan ee Golaha Amniga ee MidawgaAfrika uu wadaa aanu noqon doonin mid guulaysta hadii aanu taageero ka haysan dawladda Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga