Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu qiimaynayaa sidii cuno qabataynta hubka looga qaadi lahaa dalka Soomaaliya, iyo dalkani uu gaadhay heer laga qaado cuno-qabataynta.

Waxa la filayaa in dhawaan uu Golaha Ammaanku magacaabo gudi ballaadhan oo arintan ka shaqayn doonta bilaha soo socda.

Gudida madaxa banaan waxay qiimayn ku samayn doonaan waxa ay dawladda Soomaaliya ka qabatay hubka sharci darada ah ee loogu talo galay ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyo heerka ay gaahsiisantahay in hubka dawladdu uu gacanta u galo maleeshiyo beeleedyada iyo kooxaha argagixisada ay u yaqaanaan dunida galbeedku.

Soomaaliya waxay muddo 30 sanno ah ku guul daraysatay in laga qaado cuno qabataynta hubka ee saaran dalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga