Kaymaha Amazon waxay la kulmayaan xaalufintii ugu darnayd muddo ka badan 15 sanno, sida lagu ogaaday daraasad cusub oo laga sameeyay arintan.

Amazon waa kaymaha ugu waawayn dunida iyadoo qayb laxaad leh ku leh gaasta oxygen loo yaqaano oo muhiim u ah aadamaha iyo kawnkaba.

Muddo hal sanno gudaheed ah, xaalufinta kaymaha Amazon waxay ka bateen 22%, waana korodhkii ugu badnaa ee laga arko kaymaha tan iyo sanadkii 2006 markaas oo xaalufin ba’an lagu sameeyay kaymahan.

13,235sq km bad dhan ayaa la jaray mudada halka sanno ah ee uu kordhay xaalufku, iyadoo dhirtii ku taalay siayabo kala duwan ay shirkaduhu u adeegsadeen.

Dawladda Brazil ayaa balan qaaday in ay wax ka qabanayso xaalufinta kaymahan, iyadoo dhaqaale badan dalbatay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga