Dawladda Ingiriiska ayaa ka hadashay muranka siyaasadeed iyo hardanka awoodda ee u dhaxeeya madaxweynaha mudo xilkeedkiisa dhaamaday iyo raysalwasaaraha xilgaadhsiinta, kuwaas oo magacaabista iyo shaqo ka caydhinta saraakiisha xuuumadda isku haya.

Ingiriiska ayaa xusay in uu ka walaacsanyahay khilaafka sii xoogaysanaya, isagoo ku baaqay in xiisadda la dajiyo.

War kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda ee Ingriiska ayaa lagu sheegay in khilaafkani uu wiiqayo kalsoonida lagu qabo hoggaanka dalka Soomaaliya, isla markaana ay tahay in laga wada shaqeeyo arimaha doorashooyinka lana fuliyo heshiisyadii hore loo wada galay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga