Faransiiska, Australia, Maraykanka, iyo Ingiriiska waxa soo kal dhex galay khilaafkii ugu waynaa muddo sanado ah, iyadoo Faransiisku uu ku hanjabayo in uu safiiradiisa kal baxayo wadamada Maraykanka iyo Australia.

Heshiiska la isku hayo ayaa ah mid cambaarayn wayn kalakulmay dunida,kaas oo wadamada Maraykanka iyo ingirsiiku ay la galeen dalka Australia. Waxa loo arkaa in uu Australia u saamaxayo in ay hesho qayb ahaan hubka nukliyeerka ee dunida sida wayn wadamada looga ilaaliyo in ay u gudubto tiknoolajiyadda laga farsameeyo hubkan wax gumaaada.

Hadaba heshiiska ayaa kala fogaynaya Faransiiska iyo dawladahan sadexda ah ee heshiiska wada saxeexay gaar ahaan wadamada Maryakanka iyo Australia.

Australia ayaa marka heshiiskan la dhaqan galiyo waxay heli doontaa maraakiibta dagaalka ee wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska, gaar ahaan waxa la siin doonaa maraakiibta quusta ee dagaalka, taas oo meesha ka saaraysa heshiis addun badan ku kacaya oo hore ay u wada galeen Faransiiska iyo Australia. Faransiiska ayaa gujisyadiisa quusa wuxuu ka iibinayay Australia, taas oo imika badalkeeda ay xukuumadda Canberra kaga maarmi doonto maraakiibta uu Maraykanku usoo wado.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga