Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa war kasoo saaray xaaladda siyaasadda ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka sii xoogaysanaya ee ka dhaxeeya labad amasuul ee ugu sarreeya waaxda fulinta, Farmaajo iyo Rooble.

Golaha Ammaanka ee Jimcihii ka shiray khilaafka waxay ugu baaqeen labada dhinac in ay yeeshaan wada hadal ay ku xalinayaan khilaafka taagan iyo muranka awood loolanka. Waxay xuseen in ay aad uga walaacsanyihiin xaaladda imika taagan.

Warka Golaha ayaa soo baxay maalin kadibkulanka uu dalbaday Ingiriisku in la iskugu yimaado.

Soomaaliya ayaa bilo la dalaadhacaysa in ay qabato doorashooyinka dalka, balse khilaafka madaxda ayaa mar kale laga cabsi qabaa in uu gaabis ka dhigo hawlaha doorashooyinka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga