Dawladda Maraykanka ayaa walaac ka muujisay ciidamada ay dawladda federaalka ee Soomaaliya geysay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, taas oo ay sheegeen in ay wiiqayso hawlahii socday.

Isuduwaha siyaasadda Maraykanka ee Golaha Ammaanka ayaa golaha hortiisa ka sheegay in hawlgaalada ay ciidanka dawladdu weecinayaan dedaaladii lagula dagaalamayay ururka alShabab, wuxuuna sidoo kale xusay in ay leexinayso deeqihii loogu talo galay ciidnaka oo si qaldan loo isticmaalayo.

Hadalka Maraykanka ayaa yimi xili uu Golaha Ammaanka hortiisa ka jeedinayay khudbad ergyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, danjire James Swan, kaas oo guud ahaan ka warbixiyay xaaladda guud ee Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga