Ingiriiska ayaa mar kale kordhinaya awoodiisa milatari, kadib sanado badan oo casriyayn aan lagu samayn milatariga dalkaas.

Dhaqaalihii ugu badnaa wixii ka danbeeyay dagaalkii qaboobaa ayay xukuumadda London ku bixinaysaa arimaha milatariga.

Waa tallaabo uu raysalwasaare Boris Johson ku sheegay mid laga fursan waayay oo baahi wayn loo qabo.

Ingiriisku wuxuu sheegay in la joogo dhammaadka xiligii uu dib u guran jiray, isagoo bilaabaya qorshayaashii uu dejisnaa kadib ka bixitaankii Midawga reer Yurub.

Waa xili dhaqaalaha dalkani uu sii liicayay sanadka oo dhan, kadib xauunka Covid-19 oo Ingiriiska kaga tegaya saamayn xun oo dhaqaale, alse wali London waxay ku taagantahay in ay dib ugusoo laabato saamayntii ay ku lahayd saaxadda dunida.

Afarta sano ee soo socda, waxa hawlaha dib u casriyaynta milatariga lagu bixin doonaa adduun lacageed oo ka badan $22bn, sida uu baarlamanka maanta ka hor sheegay raysalwasaare Boris Johson.

Ingiriisku wuxuu imika sanad walba ku bixiyaa arimaha milatariga $55bn.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga