Tigraygu waxay sii wadaan in ay duqeeyaan caasimadaha gobolada u dhaw oo ay ku eedaynayaan in ay la safanyihiin dawladda dhexe oo dagaal boqolaal qof ay ku nafwaayeen uu ka dhaxeeyo.

Caasimadda gobolka Amxaarada, magaalada Baxirdaar, ayaa lagu weeraray madaafiic dhawr ahaa oo ay rideen xoogaga TPLF. 

Maamulka gobolka ayaa sheegay in aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay madaafiicda Tigrayga.

Ciidamada dawladda feederaalka ayaa sheegayana in ay ku dhaw yihiin magaalada Mek’ele ee caasimadda gobolka Tigrayga, balse dhulka oo buuralay ah ayaa difaacyo adag siinaya xoogaga TPLF ee deegaanka u dhashay.

Boqolaal qof oo dad qaar ay qabaan in ay kumanaan noqon karaan marka la eego xogaha la helayo oo yar iyo baaxadda dagaalka ayaa ku nafwaayay colaada labada todobaad ka hor uu Abiy Axmed bilaabay ee Itoobiya.

Warbaahinta Itoobiya ayaa cabudhin lagu bilaabay iyadoo wakaalada Reuters lagala noqday ruqsada, saxaafadda kalana digniin loo diray.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga