Wasiirka arrimaha dibada Iran Maxamed Javad Zarif, ayaa waxaa uu sheegay in Iiraan ay  si buuxda u fulin doonto heshiiskii dhanka Nukliyeerka ee sannadkii 2015-kii, haddii madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykanku uu ka qaado cunaqabataynaha.

Wasiirka arrimaha dibadda Iraan waxaa uu sheegay in la fulin karo heshiiskaas, iyadoo la marayo saddex amar-fulineed.

Madaxwaynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden, ayaa ballan-qaaday inuu soo celin doono heshiiskii Nukliyeerka, kaas oo ay Iiraan la gashay quwadaha shanta ah ee dunida iyo Jarmalka oo weheliyay haddii buu se yidhi ay Iiraan kusoo noqoto dhabbihii toosnaa ee heshiiska.

Diblumaasiyiin iyo falanqeeyayaal ku xeel-dheer siyaasadda adduunka, ayaa waxay sheegayaan inaanay tani ku dhici karayn habeen keliya, waxaanay ku sababeeyeen is aaminka baahsan ee soo kala dhexgalay dhinacyada, waxaanay sheegeen in loo baahan yahay ka go’naansho labada dhinacba ka yimaadda.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraaniyiintu carabka kuma adkayn in Maraykanku magdhow bixiyo, taasi oo madaxwayne Rooxaaniga dalkaasi uu ku adkaysanayo magdhow laga bixiyo dhaawacyada la soo gaadhsiiyay Tehraan ee ka dhashay cunaqabataynta la soo cusboonaysiiyay.

Maxamed Javad Zarrif, wasiirka arrimaha dibadda Iiraan waxaa uu sheegay in mar walba dalkiisu diyaar u yahay la xaajoodka Maraykanka.

Kadib markii uu aqalka cad banneeyay madaxwaynihii hore ee Maraykanka Brack Obama, ee uu yimi madaxwayne Donald Trump, Mr. Trump wuxuxu ka baxay heshiiskii ay Iiraan la gashay maamulkii ka horreeyay isagoo isla markaasna ku soo rogay cunaqabatayn. 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga