Hoggaamiyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka ayaa ballanqaaday jawaab burburin daarran taasi oo ka dhan ah weerar kasta oo ay Militariga Maraykanku kusoo qaadaan gacanka, kadib markii madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump uu ku hanjabay inuu burburin doono markaakiibta Iiraaniyiinta.

Masuuliyiinta Iiraaniyiinta, ayaa maalintii Khamiistii ku eedeeyay madaxwayne Trump inuu u xoog-sheeganayo iyagoo u sheegay inuu ku mashquulo daryeelka ciidamada Maraykanka ee uu ku dhacay xanuunka Coronavirus intii uu u hanjabi lahaa.

Kumannaan katirsan ciidamada Maraykanka, ayuu haleelay fayraska Corona, kuwaas oo ay ku jiraan boqollaal ku xanniban markab diyaaradaha xambaara, halka ay u geryoodeen laba kamd ah Militarigu.

Janaraalka Iiraaniyiinta Xuseen Salaami, ayaa u sheegay telefishanka qaranka Iiraaniyiinta inuu amar ku siiyay ciidamada badda dalkaasi inay burburiyaan wax uu ugu yeedhay maraakiibta argagixisada Maraykanka, haddii ay khatar geliyaan maraakiibta dagaalka Iiraaniyiinta amaba kuwa rayidka.

Madaxwaynaha dalka Maraykanka oo bartiisa Twitter-ka maalintii arbacadii ku soo daabacay qoraal kooban, ayaa waxa uu sheegay inuu amar ku siiyay ciidamada Navy-ga inay weerari karaan doomaha dheereeya ee Iraaniyiinta haddii ay usoo dhawaadaan rugaha ciidamada Maraykanka.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga