Shiinaha ayaa balanqaaday malaayiin doollar oo lacago dheeraad ah kuwaas oo uu ku kabayo hay’adda Qaramada Midoobay ee arimaha caafimaadkda, WHO

Xukuumadda Shiinaha ayaa sheegtay in $30million ay siinayso hay’adda.

Hua Chunying, afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda ee Shiinaha ayaa xustay in si ay u taageeraan dedaalada hay’adda ee la dagaalanka caabuqa Covid-19 ay tallabadan qaadeen, isla markaana lacagtan lagu kordhin dono deeqihii hore ee ay hayadda sida sanadlaha ah u siin jireen.

Deeqda Shiinaha ayaa imanysa xili dalka Maraykanku uu joojiyay lacagihii uu siin jiray hayadda. Wuxuu ahaa waddanka lacagta ugu badan siiya WHO.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga