Xukuumadda dalka Koonfurta Afrika ayaa in kabadan 70,000 oo askari ku daadisay guud ahaan dalkaas si ay qayb uga qaataan dhaqangelinta badowgii ay dawladda dalkaasi kusoo rogtay guud ahaan dalka, xilli koonfur Afrika lagu sheegay inay dejisay mid kamid ah xayiraadaha ugu adag ee lagu xakamaynayo xanuunka Coronavirus.

Koonfur Afrika, ayaa ah dalka labaad ee uu Coronavirus haleelay dadka ugu badan qaaradda Afrika iyadoo tirada guud ee dalkaasna lagu sheegay in ka badan 3,465 kiis, halka ay u geeryoodeen 58 qof.

Go’aanka ay qaadatay dawladda Koonfurta Afrika, ayaa imanaya kadib markii la sheegay in ciidamada dalkaasi ay la daalaa dhacayaan dhaqangelinta go’aamada kasoo baxay xukuumadda dalkaas iyo dhaqdhaqaaqa dadka.

Masuul sare oo u hadlay wasaaradda gaashaandhigga dalka Koonfurta Afrika, ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu si ba’an ugu faafayo gudaha dalkooda, taasina ay soo dedejisay in ciidamada Militariga la adeegsado.

Xayiradaaha ay hore usoo rogtay dawladda Koonfurta Afrika, ayaa waxaa kamid ahaa kuwo dadka ka mamnuucayay inay dibadda usoo baxaan dad faro kutirisa ah oo ay kamid yihiin shaqaalaha caafimaadka iyo weriyeyaashu mooyiye iyo iyadoo sidoo kale xayiraad lagu soo rogay iibinta alkahoosha iyo Tubaakada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga