Hay’adda xuquuda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa digniin u dirtay ciidamada Maraykanka ee la filayo in ay dib ugusoo laabtaan gudaha dalka Soomaaliya.

Digniintan ayaa daaranin aanay ciidamada Maraykanku mar kale wax yeelayn dad kale oo shacab ah oo ay ka fogaadaan duqaymaha shacabka dhibta ku haya ee ay sheegaan in ay la beegsanayaan alShabaab.

Hay’adda HRW waxay walaac ka muujisay dhimashada shacabka ee ka dhalata duqaymaha Maraykanka oo marar badan aanay cidina ogaanin gaar ahaan dhulka baadiyaha fog.

Maraykanka ayaa ku dhawaad 1,000 askari oo ka tirsan ciidamadiisa gaarka ah wuxuu kusoo celinayaa dalka Soomaaliya, kadib markii ay ka baxeen sanad ka hor.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga