Madaxweynaha dalka Yukrayn ayaa ku dhawaaqay in dagaalka Donbas uu gabi ahaanba burburiyay magaalada oo dhan.

Zelensky ayaa ka dayriyay xaaladda gobolka Donbas kadib todobaado uu halkaas ka socday dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada Ruushka iyo sidoo kale kuwa Yukrayn.

Eedaymo culus ayuu madaxweynaha Yukrayn u jeediyay ciidamada Ruushka oo uu sheegay in ay burburiyeen dhammaan gobolka oo dhan, balse eedaymihiisa ayaa caddaymo u baahan.

Khasaaraha gobolka ayaanay jirin tiro koob sax ah oo laga sameeyay, balse Rusuhka ayaa iska fogeeyay in ay gaysteen khasaare shacab soo gaadhay.

Ciidamada Ruushku waxay guulo ka sheegteen dagaalka iyadoo ay qabsadeen deegaano kale oo ka tirsan Luhansk.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga