Dawladda dalka Kuwayd ayaa shaaca ka qaadday deeq ay ugu deeqday dalka Yemen, taasi oo dhan 20 Milyan oo Dollar-ka Maraykanka.

Lacagtani ay Kuwayd ugu deeqday Yemen, ayaa loogu talagalay arrimaha dhanka Bini-aadaminimada ee xilligan ka taagan dalka Yemen.

Caawimada Kuwayd ee Yemen, ayaa timi maamlo yar uun kadib markii Qaramada midoobay ay xasuusisay dalalka carbeed khaasatan kuwa Khaliijka waajib ku ahaanshaha fulinta ballanqaadyadii dhaqaale ee ay hore ugu yabooheen Yemen.

Yemen ayaa waxaa saamayeey dagaallo tan iyo 2014-kii.

Kumannaan qof ayaa lagu dilay dagalladaas halka lagu dhaawacay kuwo kale, dad ka badan 3.3 Milyan ayaa guryahoodii ka barakacay iyadoo 29 Milyan oo kalena ay u baahan yihiin gargaar.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga