Alaxey Navalny waxa laga digayaa in uu ku dhex geeriyoodo xabsiga kadib muddo uu u xidhnaa dawladda Ruushka.

Hogaamiyaha mucaaridka ee dalka Ruushka ayay dhakhaatiirtu sheegayaan in uu halis ugu jiro in saamayn xun ay ku yeeshaan xanuunada uu qabaa. Dhakhaatiirta ayaa xustay in kadib baadhitaano ay ku sameeyeen ay ogaadeen in xaaladiisa wadno xanuunku ay kasii darayso maalinba ta ka danbaysa.

“Bukaankeenu wuxuu dhiman karaa wakhti walba” ayuu yidhi mid ka mid ah dhakhaatiirta Alaxey Navalny.

Dawladda Ruushka ayaa iyadu u diiday in dhakhtarkiisa gaarka ahi uu arko hogaamiyahan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga