Wada hadalkii u dhexeeyay madaxwaynaha muddadiisii dhammaatay ee Soomaaliya iyo danjireyaasha fadhigoodu yahay Soomaaliya, kaas oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan xaruntii ciidanka cirka Soomaaliya ee Afisyoone ayaa soo dhammaaday.

Wada hadalka oo ahaa mid ay albaabadu u xidhan yihiin, ayaa yimi kadib markii golaha shacabka Soomaaliya ay sheegeen inay muddo kordhin u sameeyeen haayadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ee wakhtigu ka dhammaaday.

Danjireyaasha ka qayb-galay kulankan, ayaa kala ahaa safiirka Maraykanka, midka Ingiriiska, midowga Yurub, wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay.

Illaa haatan wax war ah dhinacyadu kama ay soo saarin kulankaasi maanta, mana jiraan xogo lagu kalsoonaan karo oo kasoo baxay, balse beesha caalamka ayaa si wayn uga soo horjeedsatay muddo kordhinta xukuumadda Soomaaliya, inkasta oo madaxwayne Farmaajo saxeexay oo ay xukuumaddiisu si wayn uga dhiidhiday faragelin lagu sameeyo arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga