FILE PHOTO: Iran's Foreign Minister Hossein Amir-Abdollahian and Qatari Deputy Prime Minister and Foreign Minister Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani enter a hall for a joint news conference, in Tehran, Iran July 6, 2022. Majid Asgaripour/WANA (West Asia News Agency) via REUTERS ATTENTION EDITORS - THIS PICTURE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY/File Photo

Dawladda Qatar ayaa la sheegay inay shirarka guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York ee dalkaasi Maraykanka ay ka barbar wado shirar doceedyo la xidhiidha sidii la isugu soo dhawayn lahaa, isla markaana meesha looga saari lahaa khilaafaadka dhinacyada kala duwan leh ee u dhexeeya dalalka Iran iyo Maraykanka oo ah labada waddan oo colaad guun ahi ka dhexayso, sidoo kalena aan wax xidhiidh diblomaasiyadeed ahi ka dhexayn tan iyo wixii ka dambeeyey bishii April ee sannadkii 1980-kii.

Sida ay faafisay wakaalada wararka ee Reuters, xogo adiblomaasiyadeed ayaa xaqiijiyey in madax ka socota dawladda Qatar ay shirar gooni gooni ah magaalada New York kula qaateen masuuliyiin ka kala socda dalalka Maraykanka iyo Iran, iyadoo shirarkaasi kala gaarka ahna lagaga hadlay barnaamijka Nugliyeerka Iran iyo walaaca ay dawladda Maraykanku ka qabto in dalka Iran uu diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu siiyo waddanka Ruushka, kuwaas oo loo adeegsado dagaalada ka socda dalka Ukraine.

Sida ay wararka soo baxay sheegayaan labadan kulan ee dawladda Qatar la kala yeelatay Iran iyo Maraykanka ayaa qabsoomay maalmihii Isniinta iyo Salaasada, iyadoo shirarkaasina ahaayeen qaar xogahooda aad loo qariyey, balse wakaalada wararka ee Reuters iyo website-ka Telefiishanka Al-jazeera ayaa tilmaamay in ilo diblomaasiyadeed oo muhiim ahi ay u xaqiijiyeen shirarkaasi dhacay iyo dedaalka ay dawladda Qatar ka dhex wado dalalka Iran iyo Maraykanka.

Shirarka ay Dawladda Qatar la yeelatay dalalka Maraykanka iyo Iran ayaa lagu tilmaamay inay yihiin qaar salka ku haya sidii marka hore fahan buuxa looga qaadan lahaa waxyaabaha ay labada dal isku khilaafsan yihiin, gaar ahaan macluumaadyada la xidhiidha qaddiyadda nugliyeerka Iran.

Dawladda Qatar ayaa hormuud ka ahayd dedaalada lagu suurtogalay heshiiskii maxaabiis is-weydaarsiga ah ee toddobaadkii la soo dhaafay dhexmaray dalalka Iran iyo Maraykanka, heshiiskaasi oo suurtogeliyey in xabsiyada dalka Iran laga sii daayo shan maxbuus oo u dhashay dalka Maraykanka, halka dawladda Maraykankuna ay soo daysay shan maxbuus oo Iran u dhashay, iyadoo sidoo kale ay heshiiskaasi qayb ka ahayd in Iran loo sii daayo dhaqaale dhan $6 bilyan oo dollar oo hore looga xanibay, kadib cuno-qabataynaha dalkaasi lagu soo rogay.

Dawladda Maraykanka oo la weydiiyey inay jiraan wadahadalo toddobaadkan ah oo ay dawlad ahaan la gelayaan dalka Iran,  ayaanu Maraykanku beenin suurtogalnimada arrintaasi, taas oo muujinaya inay socdaan dedaalo labada dal miiska wadahadalka la isugu keenayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken oo saxaafadda la hadlay maalintii Isniinta ayaa sheegay in marka la eego walaaca ugu weyn ee ay dawlad ahaan qabaan oo ah barnaamijka Nugliyeerka Iran ay Xukuumad ahaan aaminsan yihiin in diblomaasiyadda iyo wadahadalku yihiin  dariiqa ugu fiican ee lagu gaadhi karo xal waara oo natiijo wax-ku-ool ahi ka soo baxo.

Laba oga natiijada ka soo bixi karta dedaalada ay dawladda Qatar ka dhex wado dalalka Iran iyo Maraykanka oo aan wax xidhiidh ah yeelanay muddo ka badan 43-kii sanno ee la soo dhaafay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga