Ugu yaraan 76 ka tirsanaa kooxda Boko-Haram, ayaa lagu diley iska hor imaad Ciidanka Dowladda Nayjeeriya iyo Jabhaddaasi ku dhex maray Gobolka waqooyi-bari , sida laga soo xigtay Saraakiisha.

John Agim, oo ah Af-hayeenka Ciidanka difaaca oo ku sugan caasimadda Abuja, ayaa Wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegay in xagjiriinta ay weerar ku qaadeen ciidamada ku sugan aagga Metele ee waqooyiga Bari ee Gobolka Borno, halkaas oo ay ku dileen 7 Askari.

“Nasiib daro, waxaan weerarka ku waynay Toddoba ka mid ah Askarteenna, halka 16 kalena ay ku dhaawacmeen ,waxaana la siinayaa daryeel caafimaad oo ku filan,” ayuu yiri Af0hayeenku.

Jabhadda Boko Haram, ayaa ka dagaallanta Dalal ay ka mid tahay Nayjeeriya, iyagoo sidoo kale Af-duub u geysta Ardayda, Haweenka iyo Carruurta, kuwaasoo Gacan saar la leh Argagixisada Caalamka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga