Hay’adda Amnesty International ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa soo dhaweysay xadhiga wasiirka amniga ee maamulka Jubaland, Cabdirashid Janan.

Amnesty waxay sheegtay in xadhiga Mr. Janan uu tusaale wanaagsan u yahay is-laxisaabtan lagu sameeyo madaxda awooda badan ee ka masuulka ah tacadiyada Soomaaliya ka dhacay sanadihii lasoo dhaafay.

Hay’addan fadhigeedu yahay magaalada London ee waddanka Ingiriisku waxay xustay in wasiir Janan ay tahay in uu cadaalada wajaho, xili lagu eedaynayo dambiyo badan iyo tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Cabdirashiid Xasan Janan ayay hore gudida la socota xuquuqda aadnaha ee Qaramada Midoobay ugu eedaysay in uu jabiyay shuruuc caalami ah, isagoo sidoo kale lunsaday deeqo, sida ay ku sheegeen warbixin ay daabaceen sanadkii 2017-kii.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga