Xidhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige oo ku magac dheer ”Balaaki”, oo katirsan golaha wakiillada Somaliland, ayaa warbaahinta u sheegay inay sharci darro tahay diidmada xisbiyada qaranka ee ansixintii shalay ay golaha wakiilladu ku ansixiyeen komishanka qaranka ee cusub.

Xildhibaan Balaaki, ayaa sheegay in ansixinta goluhu ay tahay mid sharci ah, sida ay u ansixiyeen in xisbiyada mucaaradku noqdaan xisbiyo qaran maadaama uu golaha baarlamaanku ansixiyay.

Balaaki, oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in komishankan shalay la ansixiyay ay xubnaha xisbiyada mucaaradka golaha wakiillada u fadhiyaa ay u codeeyeen, isagoo su’aal geliyay wax ay rabaan xisbiyada mucaaradku ee sharci darro ah.

Ugu dambayn Mr. Balaaki, ayaa ugu hanjabay xisbiyada mucaaradka in haddii ay ka waantoobi waayaan waxaas oo kale, uu goluhu dib wax iskaga waydiin doono.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay adduunka iyo geyga ay Soomaaliyeedba.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga