In ka badan 600 oo gabdhood oo u dhashay waddanka Pakistan ayaa labadii sanno ee lasoo dhaafay laga iibiyay rag u dhashay waddanka Shiinaha si ay u aroostaan.

Gabdhaha oo da’ ahaan kala duwan ayaa kasoo jeeda qoysaska faqiirka ah ee dalkan ku yaala qaaradda Asia oo dadkiisa lagu qiyaaso 200 oo million. Baadhitaano dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in 629 hablood laga iibiyay rag Shiinees ah, iyadoo si aan sharci ahayn looga qaaday waddanka Pakistan.

Qoysaska nugul ee faqrigu daashaday ayaan lahayn doorasho kale oo aan ahayn in gabdhahooda ay ka iibiyaan ragga Shiinaha ah, iyagoo la aqal galaya, halka qaar kalana aan la xaqiijin karin meelaha ay ku danbeeyaan.

Maxkamad ku taala magaalada Faysalabad ee dalka Pakistan ayaa bishii October waxay 31 nin oo u dhashay waddanka Shiinaha ku eedaysay in ay ka ganacsanayeen hawlaha gabdhahan. Balse ma jiro xukun adag oo wali ku dhacay dadka lagusoo ooogo in ay hawlahan ka danbeeyaan.

Dawladda Pakistan ayaan rabin in ay arintan ka hadasho iyadoo handadaad badan ku samaysay dadkii waday baadhitaanada qaar. Waxaana baadhitaanka qayb ka ahayd wakaalada wararka Maraykanka ee AP.

Xukuumadda Shiinaha ayaa sidoo kale arinkan sheegtay in aanay waxba kala socon, waxaana sidaas lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Beijing.

Ka-ganacsiga gabdhaha ayaa sanadihii danbe kusoo badanayay waddanka Pakistan, iyadoo malaayiin dollar lagu raro hablaha reer Pakistan ee kasoo jeeda qoysaska dan-yarta ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga