Maxamed Ismaaciil Warsame oo loo yaqaanay Muuf wuxuu ka mid ahaa ciidanka xooga dalka Soomaaliya, isagoo sanado badan lasoo shaqeeyay qaybaha kala duwan ee ciidanka. Wuxuu ka mid ahaa askartii xalay naftooda ku waayay weerarkii ay alShabab ku qaaday hoteelka SYL ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

AHU Maxamed wuxuuu si dhaw ulasoo shaqeeyay madaxweynayaal iyo ra’iisulwasaarayaal badan oo Soomaaliya ay yeelatay sanadihii lasoo dhaafay.

Markii uu weerarku dhacay ayuu durbadiiba tagay meesha uu weerarku ka socday is uu uga qayb qaato badabaada shacabka la weeraray, balse wuxuu ku waayay naftiisa isagoo hawlgalka ku jira.

Maxamed Warsame wuxuu ka tirsanaa qaybta 60-naad ee ciidanka xooga Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga