Dadka jasiirada Bougainville ee waddanka Papua New Guinea ayaa u codeeyay in ay ka go’aan waddanka intiisa kale, sida laga arkay natiijada afti dhawaan laga qabtay jasiiradan oo ku taala koonfurta badweynta Baasifika.

Bougainville waxay noqonaysaa waddanka ugu da’da yar caalamka, iyadoo kaalintan ka riixi doonto dalka Koonfurta Sudan oo sanadkii 2011-kii ka go’ay waddanka Sudan.

Dadka jasiirada ayaa muddo dheer ku taamayay sidii ay u heli lahaayeen dal madax banaan, balse ugu danbayn way ku guulaysteen in ay ka go’aan Papua New Guinea.

Tiro lagu qiyaasay 98% dadkii codak dhiibtay ayaa taageeray in ay noqdaan dal xor ah, waxaana la filayaa in ay si rasmi ah uga mid noqdaan wadamada caalamka ee la aqoonsanyahay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga