Gudoomiyihii degmeda Gaalkacayo ee dhanka maamulka Galmudug ayaa diiday xil-ka-qaadis uu ku sameeyay madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Ducaale Xaaf.

Xirsi Yuusuf Barre ayaa xusay in aanu madaxweyne Xaaf awood u lahayn imika in uu ka qaado xilka, isla markaana uu isagu sii haynayo jagadan illaa inta madaxweyne lagasoo dooranayo.

Madaxweyne Xaaf oo dhaliilsan qorshaha maamul u samaynta ee Galmudug oo ay dawladda dhexe wado, ayaa shalay kala diray maamulkii Gaalkacayo, balse gudoomiyaha ayaa hadda ku gacan saydhay.

Waxa la filayaa in dhawaan magaalada Dhuusamareeb lagusoo doorto madaxweynaha xiga ee Galmudug, xili lasoo wada xulay xildhibaanadii dooran lahaa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga