Diinta Islaamku waa mid kamid ah naxariisaha uu Eebbe wayne ugu deeqay bini-aadanka, haddii aynu muslimiinta nahayna, waxaynu aaminsannahay inay tahay badbaada adduun iyo aakhiro labadaba.

Dunida galbeedka, muslimiintu waxay kaga cawdaan inaanay xaq buuxa u lahayn muujinta Islaamnimadooda, taasoo kor usii kacday wixii ka dambeeyay weerarradii lagu qaaday daarihii Maraykanka, dunida galbeedka waxaa ku batay Islaam-nacaybkii iyadoo weerarro lagu qaaday masaajiddo laguna laayay dad aan waxba galabsan oo loo dilay keliya inay yihiin Muslimiin.

Qaar kamid ah muslimiinta dalka Shiinaha

Balse ma jirto meel lamid ah gobolka Xianjian ee dalka Shiinaha, dawladda Shiinaha ayaa in ka badan 1 Milyan oo muslimiin ah oo u badan qawmiyadda laga tirada badan yahay ee Uyghurs-ka ku xaraysay xeryo xabsiyo ah kuwaas oo ay ugu yeedhay inay yihiin kuwo wax lagu baro.

Xeryahan, ayaa jidh-dil loogu gaystaa, waxaa dumarkii laga mamnuucay asturnaantii, ragga gadhka looma ogola iyadoo loo daaro muusig codkiisu sarreeyo oo lagu amaanayo xisbiga Shuuciga ah iyo madaxwaynaha shiinaha Xi Jinping.

Carruurta looma ogola in loo bixiyo magaca nebi Muxammed Naxariis iyo Nabadgeliyo korkiisa ha ahaatee, iyadoo qoysas badanna laga qaatay carruurahoodii si loogu carbiyo diin la’aan iyo jacaylka xisbiga shuuciga ah ee ka taliya dalkaas.

Dawladda shiinuhu way beenisaa warkaa mar walba, balse caddaymo iyo baadhitaanno badan oo ay sameeyeen haayadaha xuquuqda bini-aadamka iyo warbaahinta adduunku, ayaa lagu xaqiijiyay jirintaanka dhibaataynta Shiinaha ee muslimiinta.

Gobolkan kuyaal galbeedka shiinaha ee Xinjiang, ayaa hore loo odhan jiray bariga Kurdistan iyadoo dadka mulsimiinta ah ee degganina ay asal ahaan kasoo jeedaan Turkiga, waxay madax bannaani ka rabaan Shiinaha, taasoo Shiinuhuna uu cagta hoosteeda dhigay kulligood, waa muslimiin sunni ah,balse badi dawladaha muslinka iyo hoggaamiyeyaashoodu dhag jalaq uma siiyaan dhibaatada haysata dadkan.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga