Doodda murashaxiinta u taagan jagada murashaxnimada ee xisbiga Dimuqraadiga ayay hadhaysay arinta hogaaminta dumarka oo badi u muuqatay in ay qaadatay wakhtigii doodda.

Murashaxa Bernie Sanders ayay gabadha lagu magacaabo Elizabeth Warren oo iyaduna jagadan u taagan ku eedaysay in uu hore ugu sheegay in aanay gabadhi ku guulaysan karin doorashada madaxtinimada Maraykanka, arintaas oo doodda kululaysay isla markaana weji kale u yeeshay.

Toddoba murashax oo laba dumar yihiin ayaa ka qayb galayay doodda.

Hogaaminta dumarka ee Maraykanka ayaa hadda u muuqata mid xasaasi ah, xili Hilary Clinton ay ku guul-darraysatay doorashadii lasoo dhaafay ee sanadkii 2016-kii.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga