Gudidii gacanta ku haysay dhismaha golaha deegaanka ee magaalada Buulaburde ayaa guud ahaan iskaga baxay magaaladaas, iyadoo aan wali la ogayn sababta ka danbaysa bixitaankooda.

Dhawaan ayay ahayd markii xilka laga qaadya maamulkii magaalada Buulaburde, iyagoo shuruudo ku xidhay in ay wareejiyaan xilkaas.

Waxa jira saluug ay qabaan dadka deegaanka iyo maamulkii hore ee magaalada kaas oo ku aadan in xiligan ay munaasib tahay maamul iyo gole deegaan oo loo smaeeyo Buulaburde xili ay sheegayaan in amni-xumo badani ay ka jirto deegaanadaas, isla markaana loo baahanyahay in arimaha amniga wax laga qabto, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga