Wasiirka warfaafinta dawladda Jabuuti ayaa saaka ka degay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoo halkaas si ballaadhan loogu soo dhaweeyay.

Dhiggiisa dawladda Soomaaliya ayaa ku qaabilay gegeda dayuuradaha ee Aadan Cadde, iyadoo la filayo in uu kulamo la qaato masuuliyiin ka tirsan dawladda federaalka ee Soomaaliya.

Bookhashada wasiirka warfaafinta Jabuuti ayaa ah mid rasmi ah, iyadoo labada dhinac ay sheegeen in ay ka shaqyn doonaan iskaashiga labada wasaradood ee warfaafinta ee labada waddan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga