Muddo 50 sanno ah ayaa laga joogaa markii la dilay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke, kaas oo 1969-kii lagu dilay magaalada Laascaanood ee gooblka Sool.

Madaxeynaha ayaa wakhtigaas bookhasho ku joogay magaalada, waxaana la toogtay isagoo goob fagaare ah jooga.

Ninka dilka toogashada ah gaystay ayaa ka tirsanaa ciidanka Soomaaliya, waxaana magaalada Laascaanood loo keenay isaga iyo ciidan kale, si ay u sugaan amaanka inta uu madaxweynuhu joogo magaalada.

Mr. Sharmaarke oo sidoo kale ahaa aabaha raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa lagu tilmaami jiray madaxweyne daacad ah oo dadku ay jecelyihiin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga