Ku-simaha Ra’iisal-wsaraha, ahna Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Md. Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya, kaas oo wax wayn ka tari doona ka jawaab-celinta xasaradaha deg-degga ah iyo soo bandhigidda baahiyaha maal-gelineed ee Xarunta Qaran ee howl-gallada gurmadka degdegga ah, taas oo qayb ka ah Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SODMA).

Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka Soomaaliya, ayaa tilmaamay in mashruucani uu muhiim u yahay dalka, xiligaan dagaalka adag lagula jiro Al-shabaab, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay doorkooda muhiimka ka qaataan si dadkeennu u gaadho xasilloono buuxda.

Mudane Saalax ayaa intaas ku daray in Al-shabaab caadaysatay burburinta goobaha adeegyada bulshada, sida xarumaha caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada, sidaas awgeedna Xukuumadda Soomaaliya dhinac waddo dagaalka Al-shabaab barnaamijka xasillinta deegannada laga xoreeyey Al-shabaab iyo dib-u-dejinta dadkii ka qaxay.

Mashruucaan oo ay iska kaashanayaan hay’adda SODMA iyo  Bangiga Adduunka ayaa ah mid looga jawaabayo baahiyaha deg-degga ah ee ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ku cidhib-tirayaan Al-shabaab, isla markaana la gaadhsiiyo adeegyada muhiimka ah deegaannada la xoreeyay, sida goobo caafimaad iyo biyo nadiif ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga