
Xayawaanka goriilaha ayaa khatar ugu jira in uu qaado caabuqa Covid-19 ee kumanaanka qof ku dilay caalamka, sida ay sheegayaan khubarada xawaanku.
Goriilaha qaaradda Afrika oo wadamada qaar aad ugu badan sida Congo oo kale ayay xaalad caafimaad oo halis ahi soo wajahaysaa. Wadamada Rwanda iyo Congo ayaa iska joojiyay dadka dibadda uga imanaya, xi aanay u dabar go’in xayawaankani oo hadii ay qaadaan caabuqa in badan oo ka mid ah ay lee’an karaan.
Goriilaha ayay ku dhacaan xanuunada hab-dhiska neefsashada bini aadamka ku dhacaa, waxaana xataa dili kara hargabka, sida ay khubaradu sheegayaan.