Xaaska jilaaga wayn ee Idris Elba, gabadha lagu magacaabo Sabrina Dhowre ayaa shaacisay in ay qaaday caabuqa Coronavirus, kadib markii laga helay ninkeeda todobaadkii lasoo dhaafay.

Sabrina ayaa si wayn loogu dhaliilay in aanay ka fogaan ninkeeda maadaama isaga markii hore laga helay, iyaduna ay mar walba ag joogtay oo ay diiday in ay ka fogaato inta xaaladiisa caafimaad lala tacaalayo. Waxay difaacday go’aankeeda iyadoo sheegtay in aanay ka fogaan karin Idris, isla markaana ay tahay in ay wax wada qabaan.

Caabuqa Covid-19 ayaa lagu kala qaadaa taabashada, neefta qofka kasoo baxaysa iyo taabashada meelaha uu qofka xanuunka qabaa taabto, balse intaasba way la waadgtay Sabrina ninkeeda xili isaga xanuunka laga helay.

Labadoodaba waxa hadda lagu karantiimeeyay magaalada New Mexico ee dalka Maraykanka, waxaanay sheegeen in xaaladooda caafimaad ay fiicantahay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga