Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkoodii maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen heshiisyo dhexmaray dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, iyagoo sidoo kale shirkaasi kaga hadlay qodobo kale oo kala duwan.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed maanta ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya, kaas oo u dhignaa sidan; “Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadley amniga guud ee dalka, iyada oo lagu meel-mariyey heshiisyo is afgarad oo ay wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Heshiisyadan ay wada gaadheen labada dowladood ee uu goluhu meelmariyey, ayaa la xidhiidha arrimaha dibedda, caafimaadka, waxbarashada, warfaafinta, dalxiiska iyo tayeynta maamullada dowliga ah.

Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xidhiidha amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana lagu xasillinayey dalka.

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaadhayaan furimaha dagaalka ee cadowga lagu baacsanayo, wuxuuna goluhu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay dalka u leedahay dabargoynta kooxda Khawaarijta ah in loo midoobo,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkan ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga