Guddoomiyaha Urur-siyaasadeed Barwaaqo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa warsaxaafadeed uu caawa soo saaray waxa uu ku sheegay inay Urur ahaan aqbaleen go’aankii ka soo baxay Ergadii Madax-dhaqameedka ahayd ee laga soo saaray xallinta khilaafka doorashooyinka iyo dhibaatooyinka amniga ee dalka ka taagan, iyadoo Guddidaasi ay go’aamiyeen in mar la wada qabto labada Doorasho ee Ururrada iyo Madaxtooyada 13 November 2024, isagoo Ururada siyaasadda ugu baaqay inay go’aankaasi aqbalaan.

Warsaxaafadeedka Guddoomiye Dr. Gaboose oo faahfaahsan halkan hoose ka akhriso.

“Somaliland waxa ay maanta ku sugantahay xaalad adag oo mugdi gelin karta jiritaankeeda,  taasoo aanu Urur ahaan u aanaynayno khilaafka siyaasadeed ee daba dheeraday iyo tabashooyin aan xal rasmi ah laga gaadhin oo wiiqay midnimadii umadda.

Ururka Siyaasadeedka Barwaaqo waxa uu aad uga xunyahay dhibtii soo gaadhay Ciidankeenna iyo haybadda Qaranka Somaliland, horena waxa aanu ugu talinay, imikana ku celinaynaa in baadhintaan madax bannaan oo daah-furan iyo isla xisaabtan lagu sameeyo wixii sababay dhacdadaas.  Si looga soo kabto dhibtii dhacday, waxa ummad ahaan mudnaanta 1aad inoo ah in dhinac la iska dhigo wax kasta oo khilaaf dhexdeena yaallay oo ay ugu horrayso dildillaaca bulshadeenna kasoo gaadhay muranka siyaasadeed.

Anigoo matelaya Urur Siyaasadeedka Barwaaqo, kana gami waayey xaaladda ii muuqatay waxa aan dhawaan cod dheer ku baraarujiyey madax dhaqameedka iyo waxgaradka Beeshayda Habar-jeclo inay fadhiga ka kacaan oo ay xal raadiyaan. Nasiib wanaag, waxa Alla mahaddii ah inay sidii ugu dhakhsaha badnayd ula yimaddeen xal lagu soo afjari karo khilaafka doorashooyinka.

Anigoo markhaati gashanaya umaddayda reer Somaliland ee aan jecelahay, waxa aan marar hore oo badan u tanasulay qarankayga, iyadoo aan tirsanayey dulmi siyaasadeed, ahmiyadda ugu weyna waxa aan mar walba u arkaa inay danta ummaddaydu ka mudantahay tayda gaarka ah, wallow ay go’aamo qadhaadh ku ahaayeen naftayda iyo intii ila aragtida ahaydba.

Waxa qof kastaa ka dheregsanyahay in hay’adaha qaranku, sida Maxkamadda Dastuuriga ah, Golaha Wakiilada, Guddida Diwaangelinta Ururrada Siyasaasadda, Komishanka Doorashooyinka iyo Xukumadduba qaraariyeen in doorashada xisbiyadu tahay tan sharciyan kasoo horraysa doorashada Madaxtooyada, tacab iyo dhaqaale badanina naga galay inaanu halkan soo gaadhno, aamminsanahayna in dal ku taabba geli karo xurmaynta sharciga iyo hay’adihiisa dastuuriga ah.

Iyadoo aanay hore dalkeena uga dhicin doorashooyinka madaxtooyada iyo xisbiyada oo isku sidkani, haddana, tashi badan oo Ururku yeeshay ka dib, waxa aanu aqbalnay go’aankii guddida odayaashu soo jeediyeen oo macneedu yahay inaanu ka taanusulnay xuquuq siyaasadeed oo dastuurku noo dammaanad qaaday, iyadoo ay nagu kalliftay marxaladdan adag ee dalku marayo, tixgelina siinayna soo celinta wada jirkii ummadda iyo dhaqankii suubbanaa ee xallinta khilaafaadka gudaheenna.

Sidoo kale, waxa aanu ugu baaqaynaa dhammaan masuuliyiinta Ururrada Siyaasadda ee aanu bah-wadaagta nahay inay soo dhaweeyaan talooyinka guddida, kaalina ka qaataan dib usoo noolaynta midnimada iyo niyadsamida umadda. Mar haddii qarankii u tanaasulay Xisbiyada Mucaaradka ah, waxa laga filayaa iyaguna inay buuxiyaan kaalinta kaga aaddan xasiloonida dalka iyo walaalaynta umadda, tasoo ah dariiqa qudha ee loo mari karo talada dalka,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga