Golaha sare ee arrimaha muslimiinta dalka Itoobiya, oo magaciisa loo soo gaabiyo ‘’EIASC’’, ayaa waxay ku baaqeen in si nabadgeliyo ah loo qaybsado biyaha webiga Niil, kuwaas oo ay si wayn iskugu hayaan dawladaha Itoobiya, Masar iyo Suudaan.

Khilaafka u dhexeeya saddexdan dal ayaa la bilaabmay qorshaha ay Itoobiya ku dhisayso biyo xidheen wayn kaas oo adduunka ku baxaya lagu qiyaasay 5 Bilyan oo dollarka Maraykanka ah, kaasi oo ay Itoobiya damacsan tahay inay ka binayso webiga Niil.

Waxay ahayd bishii February, markii wada hadallo uu Maraykanku maalgaliyay kuwaas oo u dhexeeya dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudaan ay joogsadeen, kadib markii ay Itoobiya ku eedaysay waaxda maaliyadda Maraykanka inay garabka saartay Itoobiya halkii ay dhexdhexaadin lahayd.

Xiisadda u dhexaysay Itoobiya iyo Masar ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii ay Masar bilowday dedaallada diblumaasiyadeed iyadoo ku hanjabtay inay adeegsan doonto Itoobiya awood ciidan.

Culimada golaha sare ee arrimaha muslimiinta Itoobiya, ayaa ah kuwo u muuqda inay wadaan dedaallo nabadeed oo lagu yaraynayo khilaafka dalalkani ka dhex taagan, waxaanay sheegeen inay Itoobiya uun bilowday hadda ka faa’idaysiga khayraadka biyaha Niil.

Culimada golaha sare ee muslimiinta Itoobiya waxay sheegeen in ka faa’idaysiga ay Itoobiya ka faa’idaysanayso biyaha Niil, aanay waxba u dhimayn dalalka kale.

Masar, ayaa si wayn ugu tiirsan biyaha Niil, kasakow dalxiiska webiga ee dalkeeda loo yimaad sannad walba, Niilku waxa uu Masar u yahay nolol iyadoo laga waraabiyo dhul-beereedyo aad u ballaadhan, kuwaas oo door muuqda ka qaata dhaqaalaha dalkaasi iyo shaqo abuurrada tirada badan.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga