Xeer ilaalinta gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, ayaa dacwado kusoo oogtay saddex askari oo wehlinayay askariga caddaanka ah ee lagu eedeeyey inuu dilay George Floyd, oo ahaa nin kasoo jeeday bulshada madow ee Mareykanka.

Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale sare u qaaday darajada eedda dilka loo haysto askariga la eedeeyey, kaas oo muuqaallo la baahiyey la arkay isaga oo luqunta jilibka kaga haya George Floyd xilli uu dhulka yaalla uuna ahaa mid katiinadaysan, kaasi oo halkaas ku dhintay, sida ay qortay idaacadda codka Maraykanku

Eedda loo haysto askariga dilka ku eedeysan oo markii hore ahayd darajada saddexaad ee dilka, ayaa waxaa hadda lagu soo oogay dacwad ah darajada labaad ee dilka.

Xeer ilaaliyaha gobolka Minnesota Keith Ellison, ayaa kusoo eedeeyay saddexda askari ee caawinayay ninkaas, inay si toos ah ugu lug lahaayeen geerida Mr. Floyd.

Dembiga derejada koowaad ee ay xeer ilaalinta Minnesota kusoo oogtay askariga dilka gaystay, ayaa sida sharciga gobolkaasi dhigayo uu ku mutaysan karaa xabsi dhan in ka badan 40 sanno, halka  kii derejada koowaad ka ahaa illaa 25 sanno.

Geerida George Floyd, ayaa waxaa ka dhashay rabshado xitaa ka tallaabay xuduudaha Maraykanka, xilli aad loogu dhegtaagayo go’aanka ay kasoo saari doonaan xeerbeegtida la hordhigi doono kiisaska nimankan booliska ah, kuwaas oo haddii lagu helo saddexda kale inay caawiyeen midkii luqunta kaga taagnaa ninka madow, mutaysan kara illaa 40 sanno oo xadhig ah.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga