Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa khudbad ka jeediyey Shirka Tallaalka Aduunka oo qaab fogaan arag ah ay u martigalisay dowladda ingiriiska, kaasi oo uu guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Ingriiska Boris Johnson.

Madaxwayne Farmaajo ayaa yidhi: Mudane Boris Johnson raysal-wasaaraha boqortooyada midowday, mudaneyaal iyo marwooyin, sharaf wayn ayay ii tahay inaan ka qaybgalo shirkan fogaan aragga ah ee ku saabsan tallaalka adduunka ee ay martigeliysay dawladda UK oo uu hoggaamiyo raysal-wasaare Boris Johnson.

GAVI, waa iskaashi ammaan mudan oo u dhexeeya isbahaysi dawlado ah, haayado caalami ah, shirkado dawladeed iyo kuwo gaar loo leeyahay, si ay usoo saaraan tallaal looga hortegayo cudurka iyo dhimashada, Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay inay qayb ka tahay is bahaysigan tallaalka, si loo helo  bulsho siman  oo badqabta iyo horumar waara oo ay helaan kuweenna ugu nugul ee adduunka meeraheenna jooga.

Madaxwayne Farmaajo waxaa uu sheegay in ka hortaggu uu mar walba ka wanaagsan yahay daawaynta, iyadoo helista tallaalka iyo ilaalinta caafimaadka muwaadiniintu meel walba oo ay joogaan, ay tahay xuquuq aasaasi ah.

Madaxwaynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo qaabka maqalka iyo muuqaalka ah kaga qaybgalay shirka tallaalka adduunka oo ay soo qaban qaabisay dawladda Ingriisku waxaa uu sheegay in caafimaadku yahay barwaaqo iyo siyaasad wanaag, ilbaxnimo dhaqaale iyo dhabbaha loo maro mustaqbal barwaaqo ku gaadhaan.

Madaxwaynaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in xanuunka Covid-19 uu dunida baray muhiimadda ay leedahay diyaargarowga iyo wada shaqayntu, madaxwayne Farmaajo waxaa uu sheegay inuu soo dhawaynayo oo uu si wayn u taageerayo dedaalka ay wadaan isbahaysiga tallaalka adduunku ugu jiraan sidii loo heli lahaa xanuunka Covid-19.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga