Ururka Alshabaab Ayaa Weerar Culus Ku Qaaday Saldhig Ciidamada Amisom Ay Ku Lahaayeen Deegaano Ka Tirsan Gobalka Shabeelaha Dhaxe

Goob Joogayaal Ka Ag Dhawaa aaga Dagaalku Ka Dhacay Ayaa U Sheegay Warbaahinta In Ay Maqleen Qaraxyo Xoogan Oo Ka Dhacay Agagaarka Saldhiga Ciidamada Amisom.

Ururka Al-Shabaab Ayaa Warbaahintooda Ku Faafiyay In Dagaal Dhowr Jiho Ah Lagu Qaaday Saldhigga Ciidamada Amisom Ee Buulo Mareer, Isla Markaana La Isku Adeegsanayo Hubka Noocyadiisa Kala Duwan.

Ma Jirto Ilaa Iyo Hadda Wax Fah Faahin Ah Oo Ku Saabsan Weerarkan Lagu Qaaday Saldhigga Ciidamada Amisom Ku Leeyihiin Buulo Mareer

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga